Xabbadihii Malmö oo dib u soo cusboonaaday.Foto: Johan Nilsson/Scanpix
nya malmöskott

Xabadeeyn Cusub ee Malmö

Ruuxii looga cabsi qabay toogashada ayaa mar kale dib falkiisii u soo nooleeyay. Maalintii jimcada ayaa sida ey boliiska u sheegeen saddex hablood oo taagnaa agagaarka faras magaalaha xaafadda Rosengård ey sheegeen iney maqleen saddex xabbadood, eyna arkeen nin jiqda ku dhuumaaleeysanaya islamarkaa uu orod ku dhaafay meel u jirta 15-20 mitir nin aaney garaneyn.  

Ciidanka ammaanka ayaa goobtii ka helay qafisyadii xabbado la riday. Sidoo kale waxaa iyaguna sheegey iney maqleen saddex xabbadood dadyoowgii goobtaa deggenaa.

Baareyaasha boliiska ee falalkan ku hoowlan ayey la tahay iney dhacdadina ka mid tahay mid beryahan dambeba ka dhaceeysey magaalada Malmö, iyagoona sheegey iney u baahnaan lahaayeen xiriir ey la yeeshaan ninkan la sheegay inuu orodka hablaha ku dhaafay noqonna karo cidda xabbadda loo waday, sida lagu sheegay war laga soo xigtay heeyadda wararka ee TT.

                                                                Kenadid.Mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".