Baarlamaanka Iswiidhan oo u codeeynaya dastuur cusub

Baarlamaanka dalkaan Iswiidhan ayaa maalinta arbacada u codeeynaya dastuurka cusub ee dalkaan Iswiidhan yeelanayo.

Xisbiga kaliya oo diidmo ugu codeeynaya in dastuurka dalkaan wax laga badalo ayaa ah xisbiga xagjirkaa ee Sverigedemokorati-ga.

Waxyaalaha dastuurka dalkaan lagu soo kordhinayo ayaa waxaa ka mid ah in lagu qoro in dalkaan Iswiidhan xubin ka yahay ururka midoowga yurub iyo in dalkaan Iswiidhan yahay dal ay ku wada nool yihiin dadyoow dhaqamo kala duwan leh.

Dastuurka dalkaan markii wax laga badalayo waxaa khasab ah in uu baarlamaanku laba jeer arrintaas u codeeyo laakiin labadaas codeeynood ay u dhaxeeyso doorasho dalkaan ka dhacda.

Xilligii guga ee la soo dhaafey ayaa baarlamaanku u codeeyey qeeybtii hore ee dartuurkaan wax looga badalayo hadana waxaa la soo gaarey codeeyntii labaad doorashadii dalkaan ka dhacdey ka dib.

Dastuurkaan cusubi wuxuu dhaqan galayaa sanadka 2011-ka,waana isbadalkii ugu weeynaa ee lagu sameeyo laga soo bilaabo sanadklii 1974-tii.

Marka laga soo tago in dastuurka dalkaan lagu muujiyo xubinimada dalkaani ka yahay ururka midoowga yurub,waxaa kaloo lagu muujinayaa doorashada guud oo dalkaan horey uga dhici jirtey axadda saddexaad ee bisha september ,hadda laga dhigey in ay dhacdo axadda labaad ee bisha september.

Mar kasta oo baarlamaan cusub la soo doortaba wuxuu cod u qaadayaa raysalwasaaraha si loo hubiyo in uu aqlabiyad ku heeysto baarlamaanka dhexdiisa iyo in kale.

Haddii boqolkiiba konton xubnaha baarlamaanku diidmo arrintaas ugu codeeyaan waxaa markiiba iscasilaya raysalwasaaraha.Markii hore reysalwasaaruhu wuxuu jagadiisa sii heeyn jirey xataa iyadoo aysan caddeeyn aqlabiyad uu baarlamaanka dhexdiisa ku heeysto.

Xayndaabka tiro ee qofka loogu soo dooran karo baarlamaanka dalkaan ayaa hoos loo dhigey taas oo markii hore aheeyd boqolkiiba siddeed haddase laga dhigey boqolkiiba 5.

Waxaa sidoo kale la fududeeynayaa afti laga qaado degmooyinka,taas oo markii hore sharcigu ahaa in golaha degmadu aqlabiyad ku ogolaado arrintaas haddase waxaa ogolaan kara oo kaliya saddex meelood oo meel xubnaha golaha deegaanka.

Ka hortagga takoorka iyo cunsurinimada ayaa lagu sii xoojinayaa dastuurkaan cusub .

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista