Foto: Lennart Sundwall

Xafiiska shaqada oo la wareegaya mas'uuliyadda shaqa geeynta dadka soogalootiga ah ee dalkaan

Muddo usbuuc gudeheed ku siman ayaa xafiiska shaqada ee dalkaan Iswiidhan "Arbetsförmedlingen" wuxuu degmooyinka kala wareegi doonaa mas'uuliyadda shaqa geeynta dadka soogalootiga ah, ujeedada arrintaan laga leeyahay ayaana ah sidii dad badan oo ka mid ah soogalootiga dalkaan ku cusub si dhakhsa ah shaqooyin loogu meeleeyn lahaa si ka hufan sida xaalkooda shaqo maanta yahay,waxaana shaqooyinkaas fure u ahaan doona shirkado gaar loo leeyahay oo qofkaas dhawaanta dalkaan soo galey u haga suuqa shaqada iyo dhexgalidda bulshada dalkaan Iswiidhan labadaba.

Wada hadalo ku saabsan shirkadihii hagiddaas soogalootiga fulin lahaa ayaa si xawli ah dalkaan uga socda inkastoo ay sidoo kale jiraan degmooyin badan oo aan wali gacanta ku heeyn shirkadihii hawshaas fulin lahaa.

Xafiiska shaqada ayaa tirakoob uu sameeyey ku muujiyey in bartamihii bishaan november 123 degmo oo ka mid ah 290-ka dagmo ee uu dalkaani ka kooban yahay laga ansixiyey shirkadihii  dadkaas soo galootiga ah u hagi lahaa shaqooyinka iyo sidii ay bulshada dalkaan ku dhexgali lahaayeen,tiradaas oo ka yar boqolkiiba konton degmooyinka uu dalkaani ka kooban yahay.

Gobolka dhankaas ugu liita ayaa ah Norrbotten oo 14-ka degmo ee gobolkaasi ka kooban yahay marka laga reebo degmada Luleå oo iyadu haysata in ka badan hal hage,sagaal degmo oo gobolkaas ka mid ahi aysan gabigooduba heeysan wax shirkado hagayaala ah oo iyagu hawshaas fuliya.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".