Ururka Al-shabaab ee jooga soomaaliya ayaa handadey farshaxanle Lars Vilks.

Al-shabaab oo handadey Lars Vilks

Nin heeysta dhalashada dalkaan Iswiidhan, kana tirsan ciidamada ururka xagjirkaa ee Al-shabaab ayaa ku guubaabiyey muslimiintu in ay dilaan farshaxanle Lars Vilks oo u dhashey dalkaan Iswiidhan ,sidaasna waxaa sheegtey idaacadda la iska arko ee SVT-ga.

Abu Zaid oo ka tirsan ururka al-shabaab ayaa waxaa hadaladiisa oo uu ku duubey cajalad fidyoo ah waxaa ka mid ahaa :

"meel kasta oo aad ku sugan tahay ,maanta haddii aysan noqonna barrito ayey noqon doontaa sidaas daraadeed waa in aad ogaataa in aanaan ku ilaawin ",sidaasna waxaa laga soo xigtey urur mareeykan ah ee loo yaqaano SITE oo isagu isha ku haya wararka ay aaladda Internet-ka ku faafiyaan ama ku qoraan ururada xagjirka ahi.

Farshaxanle Lars Vilks ayaa marar badan dil lagu handadey ,la iskuna dayey in la dilo ka dib markii uu sanadkii 2007-dii soo daabacey wargeeyska Nerikes Allehanda sawir gacmeed suurad eey leh oo uu sawirey Lars Vilks kaas oo uu sheegey in uu ka wado nabi Maxamad.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".