Wasiirka arrimaha dibadda dalkaan Iswiidhan Carl Bildt. Foto: Maja Suslin/Scanpix.

Dalkaan Iswiidhan iyo gaashaanbuurta Nato

Wasiirka arrimaha dibadda dalkaan Iswiidhan Carl Bildt ayaa sheegey in aysan jirin sabab khasbeeysa in laga doodo xubin uu dalkaan Iswiidhan ka noqoto ciidamada gaashaanbuurta Nato.

Wada shaqeeynta naga dhaxeeysaa waa mid si heer sare ah u shaqeeyneeysa ,in intaas laga sii siyaadiyaana waa mid loo baahan yahay,ayuu yiri wasiirka arrimaha dibaddu.

Dhanaca kalana Carl Bildt wuxuu ka hadley rajada ay leedahay in dalka Turkigu xubin ka noqdo ururka midoowga yurub iyo waliba in dalka India xubin joogta ah ka noqdo golaha amniga ee qaramada midoobey.

Wasiirka arrimaha dibadda dalkaan Iswiidhan Carl Bildt ayaa carrabka ku adkeeyey doowrka uu ururka midoowga yurub ku leeyahay hawsha ay iswiidhan uga shaqeeyneeyso nabadda adduunka taasina ay sii xoojineeyso isdhexgal dheeraad ah oo ay yurub yeelato, wuxuuna intaas ku darey in siyaasadda arrimaha dibadda ee dalkaan Iswiidhan ay fure u yihiin adduunka oo isu furfurma ,ganacsi xor ahina dhexmaro iyo waliba hab aamin ah oo ay diyaaraduhu isaga gooshaan dunida dacalladeeda oo dhan.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".