Isticmaalka moobiilka oo dalkaan aad kor ugu kacay

Tirada taleefoonada laga waco moobiilka ayaa lixdii bilood ee la soo dhaafey waxay dalkaan Iswiidhan markii ugu horeeysey ka bateen tirada taleefoonada laga wacay kuwa fiilada wata ee laandiga loo yaqaan.

Lixdii bilood ee la soo dhaafey waxaa laga wacey taleefoonada moobiilka 11 milyaardar oo daqiiqo taas oo dhameeyd boqolkiiba 52 dhammaan taleefoonadii lagu hadley,sidaasna waxaa sheegtey hay'adda dalkaan u qaabilsan boostada iyo taleefoonada.

Hay'adda boostada iyo taleefoonada ayaa intaas ku dartey in toban sano ka hor ay taleefoonada moobiilka laga wacaa ka ahaayeen boqolkiiba toban dhammaan taleefoonadii la isku direy.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".