Waayeelka iyo dadka guri la'aanta ah oo loo sahlayo lacagaha mucaawinada

Dadka waaweeyn ,kuwa guri la'aanta ah iyo waliba haweenka u baahan in la qariyo ,ayaa hadda xaquuq dheeraad ah loo siiyey in ay isla markiiba helaan lacagaha lagu caawinayo xataa markii ay ku sugan yihiin degmooyin kaleeto oo aysan ka diiwaan gashaneeyn .

Hadda degmooyinku arrintaas waa isku riix riixaan,sharciguna si fiican uma qeexneeyn sida hadda loo caddeeyey ,mararka qaarkoodna waxaa daahda mucaanida dhaqaale ee dadkaas la siiyo ,mararka qaarkoodna lamaba siin jirin.

Dawladda ayaa hadda degmooyinka ku adkeeysey in ay arrimahaas mas'uuliyad dheeraad ah iska saaraan,sidaasna waxaa sheegtey wasiirka caafimaadka Maria Larsson, sharcigaanina wuxuu dhaqan galayaa bisha may ee sanadka 2011-ka.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".