Shir caalami ah oo cimilada ku saabsan ayaa ka furmaya dalka Mixico

Maanta ayaa waxaa magaalaga Cancùn ee dalka Mexico ka furmaya shir weyne ay qaramada midoobey soo diyaarisey oo ku saabsan cimilada,wax rajaase lagama qabo in heeshiis caalami ah laga gaaro sidii loo xakameeyn lahaa sunta ay hawada ku siidaayaan wadamada horumarey ee warshadaha leh.

Dalkaan Iswiidhan ayaa wuxuu rajeeynayaa in uu hormood ka noqdo isu soo dhaweeynta dawladaha kala duwan ee shirkaas ka qeeyb qaadanaya.

Xoghayaha guuud ee hay'adda dalkaan Iswiidhan u qaabilsan daryeelka deegaanka Svente Axelsson ayaa sheegey in dalkaan Iswiidhan ay aheeyd in uu isku hawlo, xoogana saaro sidii uu wadamada xubnaha ka ah ururka midoowga yurub ugu dhaadhicin lahaa in ay dhimaan qiica ay hawada ku siidaayaan boqolkiiba 30 ilaa iyo inta laga gaarayo sanadka 2020-ka ,meesha ay hadda wadamadaasi rabaan in ay dhimaan boqolkiiba 20.

Laakiin dhanka kale Svante Axelsson wuxuu hoosta ka xariiqey in dalkaan Iswiidhan noqon karo tusaale lagu daydo maadaama uu boqolkiiba 14 dhimey qiiqa uu hawada ku sii daayo .

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".