Aasaasaha bogga wararka ee Wikileaks Julian Assange. Foto: Lennart Preiss/Scanpix

Wikileaks oo kashifey sira hor leh

Wasiirka arrimaha dibadda dalkaan Iswiidhan Carl Bildt ayaa isagoo ka faaloonaya waraaqa cusub ee sir ah oo uu soo daabacay bogga wararka ee Wikileaks,wuxuu sheegey in markii la kashifo wararka ay dublamaasiyiintu dalalkooda u diraan taasi wiiqeeyso guud ahaan dublamaasiyadda dunida oo dhan.

Bogga wararka ee Wikileaks ayaa soo daabacay rubuc malyuun warar ah ee ay isu direen dublamaasiyiinta Mareeykanku kuwaas oo ay ku jiraan qaar sir ah ,ayna ka mid yihiin in dalka Mareeykanku basaaso dalalka ay xulufada yihiin ,uuna heshiisyo qarsoodi ah la galo dalalka dhexdhexaadka ah.

Siraha la kashifey ayaa waxaa ka mid ah in madax carbeed oo uu ka mid yahay boqorka dalka Sacuudi Careebiya Boqor Cabdalle ay dalka Mareeykanka ku guubaabiyeen sidii uu u weerari lahaa goobaha nukliyarka dalka Iiraan,wuxuu kaloo boggaas wararku kashifey sida ay dublamaasiyiin Mareeykan ahi isugu dayeen in ay gacanta ku dhigaan qalab sunta nukliyarka ah ee uu leeyahay dalka Pakistan iyo waliba in dublamaasiyiinta dalka Mareeykanka u fadhiya qaramada midoobey lagu amrey in ay soo jaajuusaan dublamaasiyiinta ajnabiga ah ee ay wada shaqeeyaan uuna ka mid yahay xoghayaha guud ee qaramada midoobey Ban Ki-moon.

Wararkaan sirta ah ee la soo daabacay ayaa wajigabax ku ah dalka Mareeykanka.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".