Berit Andnor. Foto: Pontus Lundahl/Scanpix

Berit Andnor oo hormood ka noqon doonta soo xulidda hogaamiye cusub ee xisbiga S yeesho

Berit Andnor oo horey u ahaan jirtey xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalkaan Iswiidhan iyo waliba xubin ka tirsan golaha wasiirada ayaa noqotey hogaamiyaha hormoodka ka noqon doonta soo diyaarinta doorashada uu xisbiga Sooshal-demoqoraati-gu ku dooran doono hoggaankiisa cusub marka uu isugu yimaado shirka aan caadiga aheeyn ee uu yeelan doono bisha maarso ee sanadka 2011-ka.

Dadka doorashada xisbiga soo diyaarinaya ayaa soo jeedin doona magacyada cidda xisbiga Sooshal-demoqoraadi-ga u qaban doonta jagooyinka hogaamiyaha xisbiga iyo waliba xogheeynta xisbiga .

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".