FOTO: BERTIL ERICSON / SCANPIX

Culeeys fuuley rugaha caafimaadka Östersund xanuunka calool xanuunka oo ka dilaacey awgiis

Cudurka calool xanuunka oo baryahaanba ay aad ugu ildarnaayeen dad aad u farabadan oo ku nool agagaarka degmada Östersund,ayaa  la caddeeyey in cudurkaas ay sababeen biyaha degmadaas oo laga dhexheley jeermiska asiiba mindhicirada kaas oo loo yaqaano "cryptospori-dium",taasna waxaa la ogaadey ka dib markii baaritaano lagu sameeyey biyaha degaankaas laga cabo.

Laakiin dhanka kale danbi baare ayaa imminka baaraya suurtagalka ah in laga yaabo danbiile sabab u ahaa in cudurkaasi ku faafo biyaha degmadaas Östersund.

Dhammaan dadka degen degmada Östersund iyo agagaarkeeda ayaa lagula taliyey in ay ugu yaraan hal daqiiqo iska kululeeyaan biyaha ay cabbayaan ,kuwa ay cuntada ku karsanayaan iyo kuwa ay ku cadayanayaan ka hor inta aysan isticmaalin.

Degmada Östersund ayaa dad gaaraya 5 700 qof waxaa ku dhacay jeermiska mindhicirada gala oo deegaankaas ka dilaacay.

Rugaha caafimaadka ee degmada Östersund ayaa culeeys xoog lihi soo foodsaarey ka dib markii uu degmadaas ka dilaacey cudurka calool xanuunka oo ka dhashey biyaha laga cabo goobahaas.

Tusaale ahaan waxaa maalinimadii Isniinta shaqada ka maqnaa ilaa 200 qof oo ka shaqeeya isbitaalka degmadaas ,hogaanka isbitaalkuna wuxuu filayaa in ay sii siyaadi doonaan shaqaalaha goobtaas jirada uga maqnaan doona maalmaha soo socda.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".