Foto: Anders Ekholm SR Gävleborg

Iskuulada waxbara dhallaanka soogalootiga ah oo la dhaliiley

Goldaloolooyin farabadan ayaa ka jira iskuulada waxbara dhallaanka aysan luqadda Iswiidhishku aheeyn afkooda hooyo ,taasna waxaa lagu muujiyey baaritaano ay hay'adda kormeerta iskuuladu ku sameeysey ilaa iyo 21 iskuul iyo tira intaas la mid ah oo ah dugsiyada xanaanada caruurta oo dhammaantood ku yaala meela kala duwan oo dalkaan Iswiidhan ka mid ah.

Warbixinta ayaa muujisey in dhammaan dugsiyadii baaritaanada lagu sameeyey,noqdeen kuwa tayadooda waxbarasho liidato .

Tusaale ahaan 15 iskuul oo ka mid ah kuwii baaritaanadaas lagu sameeyey,ayaa aad ugu liita waxbariddooda ku aadan luqadda Iswiidhishka oo dhallaanka asalkoodu soo galootiga yahay loo baro luqaddooda labaad ahaan.

Mid ka mid ah afartii ardey ee asalkoodu soogalooti yahay ayaa sanadkii hore dugsiyada hoose/dhexe ka baxay isagoo aan u qalmin in uu galo ama u sii gudbo dugsiga sare,meesha ardayda asalkoodu Iswiidhishka yahay uusan mid ka mid ah tobankii ardeyba ku habooneeyn in uu u sii gudbo dugsiyada sare ee dalkaan.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".