Koboca dhaqaalaha Iswiidhan iyo wasiir bangiyada u digey

Dhaqaalaha dalkaan Iswiidhan ayaa bilihii luulyo ,agoosto iyo september wuxuu sameeyey koboc aan horey loogu arag oo dhan 6,9 boqolkiiba taas oo muujineeysa caafimaad qabka dhaqaalaha dalkaan Iswiidhan.

Laakiin cobacaas xoogga lihi waxaa laga yaabaa in uu bangiga dhexe ee dalkaan Iswiidhan ku khasbo in uu siyaadiyo faa'iidada dulsaarta .

Wasiirka maaliyadda dalkaan Iswiidhan Anders Borg ayaa uga digey bangiyada iyo suuqyada guryahu in ay siyaadiyaan qiimaha iyagoo talada ku darsanaya koboca xoogga leh ee uu dhaqaalaha dalkaan Iswiidhan muujiyey,wuxuuna ka digey in la raaco isla dhabbihii dalka Irland u horseedey dhibaatada dhaqaale ee uu maanta dhexdabaalanayo.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".