Ardayda dhigata dugsiyada Komvux-ka iyo dhibaatooyin dhaqaale

Ardey farabadan oo wax ka barata dugsiyada dadka waaweeyn ee Komvux-ka, ayaan awoodin in ay waxbarashadooda dhameeystirtaan ,kuwaas oo ay dhibaata dhaqale soo foodsaareeyso marka la gaaro xilligii ay dib u bixin lahaayeen amaahdii ay horey waxbarashadaas darteed u qaateen,sidaasna waxaa lagu muujiyey warbixin ay soo saartey hay'adda qaranka ee amaahisa lacagaha dadka waxbaranaya taas oo marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano CSN.

Hay'adda ayaa intaas ku dartey in sharciyada isugu jira deynta iyo deeqda ee la siiyo dadka waxbartaa,aysan ku habooneeyn kooxdaan,sidaas daraadeedna waxay hay'addu soo jeedisey in dadkaas loo badiyo tirada usbuucyada ee la siiyo lacagaha deeqda ah walibana kor loo qaado lacagahaas deeqda ah ee la siiyo.

Waxaa xusid mudan in sanadkii hore ay ku biireen dugsiyada Komvux-ka ee waxbarashada dadka waaweeyn loogu talagaley dad gaaraya 24 000 oo qof oo ka bilaabey waxbarasho u dhiganta ilaa heerka dugsiyada hoose/dhexe ,boqolkiiba 75-na dadkaasi waxay ahaayeen dad qaxooti ahaan dalkaan Iswiidhan ku yimid.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".