Foto: Fred Ernst

Xirashada niqaabka iyo iskuulada dalkaan Iswiidhan

Wakiilka hay'adda faquuqa iyo dadka laga tirada badan yahay ayaa sheegey in ay takoor iyo cunsurinimo tahay in ardey xiran niqaab laga joojiyo waxbarashada.

Wakiilka hay'adda faquuqa iyo dadka laga tirada badan yahay ayaa go'aankaan ka soo saarey ardayad sanadkii hore magaalada Stockholm ka dhiganeeysey waxbarasho la xiriirta xanaanada caruurta taas oo dacwo ka dhan iskuulkii ay dhiganeeysey u gudbisey

wakiilka hay'adda faquuqa iyo dadka laga tirada badan yahay ka dib markii loo diidey in ay xirato niqaab wajigeeda daboolaya.

Gabadhaasi waxay sii wadatey waxbarashadeedii intii ay go'aan ka sugeeysey wakiilka hay'adda faquuqa iyo dadka laga tirada badan yahay,sidaas daraadeed wakiilka hay'adda faquuqu horey uma sii ambaqaadi doonto arrintaan.

Wasiirka waxbarashada Jan Björklund ayaa raba in niqaabka wajiga oo dhan qariya si sharci ah looga mamnuuco in lagu xirto iskuulada dhexdooda.

Sida uu qorey wargeeyska Svenska Dagbladet ma jiraan ardey niqaab xiran oo imminka dhigta dugsiyada nawaaxiga magaalada Stockholm.

Go'aankaan uu wakiilka hay'adda faquuqa iyo dadka laga tirada badan yahay imminka soo saarey ayaa noqonaya midkii u horeeyey oo noociisa ah ee uu ka soo saaro niqaabka wajiga oo dhan lagu dado.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".