Paulo Duarte/Scanpix

Suuqa shaqada dalkaan Iswiidhan iyo soogalootiga

Hoos u dhicii dhaqaale ee sanooyinkii la soo dhaafey la soo gudboonaadey dalkaan Iswiidhan ,ayaa dhibta ugu badani waxay ka soo gaartey dadka soogalootiga ah ee asal ahaan ka soo jeeda wadamada ka baxsan qaaradda yurub.

Shaqa la'aanta ayaa ku badatey dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada laakiinse waxay si xoog leh ugu sii badatey soogalootiga asal ahaan ka soo jeeda dalalka dibadda ka ah qaaradda yurub ,sidaasna waxaa lagu muujiyey baaritaan cusub oo ay sameeysey jaamacadda Linnéuniversitet oo ku taala magaalada Växjö.

Warbixinta ayaa lagu xusey in darajada shaqaaleeynta dadka asal ahaan ka soo jeeda wadamada dibadda ka ah qaaradda yurub, da'dooduna u dhaxeeyso 16 jir ilaa iyo 64 jir ay lixdii bilood ee ugu horeeysey sanadkaan, hoos u dhacdey boqolkiiba 68 marka la barbardhigo dadka asal ahaan dalkaan iswiidhan u dhashey,tiradaas ayaa laba sano ka hor waxay aheeyd boqolkiiba 74.

Hoos u dhacaan shaqaaleeynta ayaa waxaa ka badbaadey soogalootiga asal ahaan ka yimid dalal ka mid ah qaaradda yurub kuwaas oo darjada shaqaaleeyntoodu labadii sanee la soo dhaafey ,kor uga kacdey boqolkiiba 83 gaarteyna ilaa iyo 84 boqolkiiba.

Sharaxaad laga bixiyey isdhinkaan shaqo ee ku yimid soogalootiga asal ahaan ka soo jeeda wadamada dibadda ka ah qaaradda yurub ,ayaa lagu macneeyey in ay sabab u tahay iyadoo ay tusaale ahaan ku adkaatey qaxootiga dhawaantaan ka yimid dalalka Soomaaliya iyo Ciraaq,in ay ka dabaashaan suuqa shaqada dalkaan oo markiisii horaba ay aad u adkeeyd dhexgalkiisu.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".