Fiditaanka jeermiska Hiv-ga iyo dalkaan Iswiidhan

Dad badan oo dalkaan Iswiidhan uu ku dhaco jeermiska sababa cudurka Hiv-ga,ayaan goor hore la ogaan in ay cudurkaas qaadeen maadaama aysan isbaarin,waxaana laba meelood oo meel la ogaadaa ka dib markii awoodda qofka cudurkaas qaadey ay xoog isu dhinto xilligaas oo ay aheeyd in muddo hore qofkaas la daaweeyo,sidaasna waxaa lagu sheegey baaritaan cusub ee uu sameeyey machadka Karolinska.

Marar badan xilliga la ogaado in qofkaasi qaadey jeermiska sababa Hiv-ka ,waaba xilli uu cudurkaasi isku rogey ama u dilaacay cudurka Aydhis-ka,taas oo qafkaas u horseedeeysa khatarta ah in uu aad u xanuunsado iyo in uu goor hore dhintaba.

Boqolka qof oo ilaa hadda baaritaankaan ka qeeyb qaatey ayaa 62 ka mid ahi waxay yihiin soogalooti asal ahaan ka soo jeeda dalal ka baxsan qaaradda Yurub,ilaa kala bar dadkaasina waxay Iswiidhan ku noolaayeen in ka badan hal sano.

Dhanka kale maanta ayaa ku beegan maalinta adduunku u qoondeeyey la dagaalanka cudurka Aydhiska.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".