Dhexdhexaadnimada Iswiidhan oo shaki la galiyey

Bogga wararka ee wikiliks ayaa kashifey in siyaasadda rasmiga ah ee dhexdhexaadnimada dalkaan Iswiidhan ay tahay mid aysan waxba ka jirin ,uuna dalkaani si sir ah xiriir qota dheer ula leeyahay gaashaanbuurta Nato,Iswiidhana qeeyb ka tahay hawlgalka ciidan ee ka socda dalka Afgaanistaan,sidaasna waxaa maanta qorey wargeeyska Svenska Dagbladet oo heley qaar ka mid ah dukumantiga uu faafiyey bogga wararka ee Wikileaks.

Warbixintaas ayaa sidoo kale lagu sheegey in reeysal wasaare Fredrik Reinfeldt, Mareekanka la leeyahay xiriir ka fiican kii uu la lahaa reeysal wasaarihii jagada uga horeeyey Göran Persson.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".