Dab ka dhacey magaalada Ystad

Nin ayaa la qabtey lagu tuhunsan yahay in uu ka danbeeyey dab ka dhacey magaalada Ystad.Ninkaan ayey habeenimadii xaley booliisku qabteen wax yar ka hor intii uusan dab qabsan guri qoysas badani dagan yihiin oo ku yaala Bollhusgatan ee magaalada Ystad,booliiska degmadaas ayaana sidaas ku sheegey shir jaraa'id oo ay maanta qabteen.

Ninkaan la qabtey ayaa marar hore lagu tuhmey dabab nawaaxigaas ka dhacay laakiinse la siidaayey markii lagu caddeeyn waayey falalkaas.

Maalinimaddii arbacada ayaa waxaa magaalada Ystad ka dhacey saddex dab oo ka qarxey saddex goobood oo kala duwan.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".