Nidaamka caymiska jirada oo aan waxba laga badaleeyn

Sharciyada khuseeya caymiska jirada ayaan waxba laga badaleeyn ka dib markii xubnaha gola hoosaadka baarlaanka ugu jira xisbiyada Alliansi-ga iyo kan Sverigedemoqoraati-gu ka gaws adeeygeen in ay qaataan fikirka ay xisbiyada casaan/cagaarku qabaan oo ah in wax laga badalo nidaamka caymiska jirada.

Xubno ka tirsan xisbiyada casaan/cagaarka ayaa maanta sheegey in aanu wax shaki ahi ku jirin in looga sii darey dadkii jiranaa ee nidaamka caymiska jirada horey looga saarey,waxayna intaas ku dareen in ay ka xun yihiin in xisbiyada Alliansi-gu aysan fursaddaan ka faa'iideeysan si sharciyadaas wax looga badalo ,imminkana dad badan oo xanuunsani ku nool yihiin lacagta caayrta.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".