Bulshada Iswiidhishka oo kor u Kacday

Tirada bulshada iswiidhishka ayaa la filayaa iney kor u kacdo gaartana 9 417 000 aakhirka sannadka. Tirada iswiidhishka ayaa kor u kacday sannadkan 2010 sida ay qiyaasayso hayadda tirakoobka ee SCB 76 000 oo ruux.

Tirada bulshada iswiidhishka ee kor u kacday ayaa inta badan ku xiran Dayan badan ee dhashay. Hayadda tira-koobka ee SCB ayaa qiyaasaysa in sannadka ey dalka ku dhashaan 116 000, iyadoona 57 000 hablo yihiin, halka 60 000-na wiilal.

Tirda ilmaha Dalka ku dhasha oo kor u sii kacaysay tobankii sannadood ee ugu dambeeyey ayaa halkeedii ka sii socota, iyadoona marka loo bar-bar dhigo sannadkii hore 2009 ey kor u kaceen 3%.  

Geerida ayey tiradoodu u dhigantaa sannadkii hore 90 000 oo ruux.

Tirada bulshada ee kor u kacday ayey sidoo kale saameyn ku yeesheen ajaaniibta dalka dibadda uga soo haajirta. Soo-galootiga sannadka ayey ugu badnaayeen soomaalida iyo poolishka.