Malmö: Eedaysane Ruumka Lagu Hayn Doono

Maxkamadda degmada Malmö waxay go’aan maanta ku gaartay in ruumka lagu sii hayo eedeeysane lagu tuhunsanaa inuu toogasho ku laayay  ama ku waxyeeleeyay qaar ka mid ah bulshada ku dhaqan magaalada Malmö ee asal ahaan ka soo jeedda dalka dibaddiisa. Eedeeysanahan dacwadda lagu soo oogay ayaa xeer-ilaaliyuhu dacwaddiisa ku kordhiyay dil laba ruux iyo dhaawacyo loo gaystay shan ruux ee kale.

Dacwadda eedeeysanahan ayaa go’aan lagu gaaray in ruumka lagu sii hayo maadaama laga cabsi qabo inuu ama fal-dembiyeedyadaa halkiisii ka sii wado ama adkeeyo hoowlaha baaritaanka ciidanka ammaanku faraha kula jiraan ee dembiyada lagu tuhunsan yahay la xiriira.

Maxkamadda ayaa go’aamisay in ugu dambeeyn xeerka la hor-keeno eedeysanahaa 4-ta bisha jannaayo ee sannadka foodda innagu soo haya, isagoona lagu soo eedeeyay tuhunka ugu sareeya ee dacwooyinka.

                                                                 kenadid.mohamed@sr.se