Mona Sahlin, hogaamiyaha xisbiga (S) oo dooddeedii ugu dambeeysay ee baarlamanka u tafa xeeydanaysa.

Dooddii Baarlamanka oo Iminka Socota

Dooddii hogaamiyeyaasha siddeeda xisbi ee xubnaha ku leh baarlamanka dalka oo iminka ka socota xarunta baarlamanka ayay ka dhiibanaysaa dooddeedii ugu dambeeysay ee noocaaniya Mona Sahlin, hogaamiyaha xisbiga Sooshiyaaldimoqoraadiga ee kursiga ka degi doonta.

Fredrik Reinfeldt, madaxa dawladda oo doodda furay ayaa soo bandhigay saddex qodob:

 – Kow, Xisbiyada mucaaradka oo guuldareeystay iyo dhaqaalaha oo ku sugan xaalad miisaaman. Midda labaad in inta lagu jiro xaaladda cakiran ee dhaqaale aan loo baahnayn oo keliya xanaaneeynta miisaanka dhaqaale ee dalka iyo sidoo kale loo baahan yahay in la qiimeeyo xaaladda dhaqaale ee dalka guud ahaan iyo suuqa dhaqaalaha. Waana hoowl aan tallaabo horay ugu qaadnay, iyo midda saddexaad in kor loo qaado lana kordhiyo suurta-galka shaqaaleeynta, oo aan ku suurta-gelineyno dib u eegíd iyo laba kacleeyn. Midda ugu muhiimsanina tahay hor-u-marinta nidaamka wax-barashada.

                                                    kenadid.mohamed@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".