Domen mot Säpo-polisen överklagas.
HANJABAAAD LOO DIRAY WARGEEYS AYAA KA DAMBEEYSAY IN KOR LOO QADO

Darajada Heerka Tuhun ee Argagixisnimo

Hanjabaad ku wajahnayd wargeeyska Nerikes Allehanda ayaa ka dambeeysay in ciidanka ammaanka ee Säpo ay bishii oktoober 2010 darajo kor u qaadaan habka diyaar-garoowga khatarta iyadoo laga qaaday darajada labaad lana gaarsiiyay darajada saddexaad, sida ku cad war laga soo xigtay idaacadda la iska daawado ee svt rapport.

Hanjabaadan ayaa ku wajahnayd ama ka dambeeysay kolkii uu war-geeysku daabacay sawirradii far-shaxanle Lars Vilks ee uu ku matalay nebi Maxamed eey, ama u yeelay madax eey.

Ciidanka ammaanka ayaa ka gaabsaday waagaasi inay xaqiijiyaan sababta loo kordhiyay darajada heer-kul ee cabsida laga qabo falka argagixisnimo, iyadoo islamarkaasina hanjabaad loo geeystay wargeeyska Jyllandsposten ee dalka Danmark iyo far-shaxanka iswiidhishka ee lars Vilks.

                                                    kenadid.mohamed@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".