HMS Karlskrona på piratjakt i Adenviken utanför Somalias kust. Foto: Beatrice Janzon/Sveriges Radio.
BURCADBADEEDDA GEESKA AFRIKA

Markab Hub Sida oo Shaqaalihiisii La Qafaashay

Markab siday hub laga waariday dekedda Varberg ee dalka Iswiidhen, sitayna calanka Danmark ayey burcad-badeed ku weerartay gacanka cadmeed, halkaasina oo kolkii markabka ey kicin waayeen ka qafaasheen shaqaalihii markabka oo isugu jiray lix daanish ah iyo laba bad-maax oo filipiiniyiin ah.

Markaba ayey dabadeed badbaadiyeen ciidan dalka Danmark ka jooga xeebaha Soomaaliya laguna wadaa in baroosinka loogu xiro dekedda Salala ee dalka Cumaan.

Waxaan illaa hadda caddeeyn in Burcad-badeeddu wax ka ogeeyd ama aragtay hubka markabkaasi saarnaa oo loo waday dal ka mid ah waddammada dhaca bariga fog.

                                                  kenadid.mohamed@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".