Sawirida qarsoon waa madnuuc.Foto: im Berglund/Scanpix

Hindise lagu mamnuucayo qaadidda sawir qarsoon

Dawladda iyo wasiirka caddaaladda dalkaan IswiidhanBeatrice Ask ayaa soo jeediyey hindise ka dhan meel ka dhaca ilaalinta badbaadada qofnimo, sida in sawir laga qaado qof gurigiis isagoo aan raali ka aheeyn in sawirkaas laga qaado sidoo kale tusaale ahaan masawir laga qaado hoolalka ciyaaraha (sida qolka dharka la isaga beddelo iwm).

Mawqifkaan ayaa lagu xakameeynayaa meelka dhacyada qofka loo geeysan karo, dhinaca kalana hindisahaan ayaa waxaa ku cad in ciddii arinkaas sameeysa lagu xukumi karo ganaax iyo xarig ilaa hal sano gaaraya.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista