Wasiirka Hay'adda socdaalka (Migrationsverket-ka) Tobias Billström.
Efter flera dagar

Wasiirka wasaaradda socdaalka oo dafirey eedayntii

Wasiirka wasaaradda socdaalka Tobias Billström ayaa aamusnaan dheer ka dib wuxuu ka faalloodey eedayntii iyo dhaleecooyntii loo soo jeediyay isaga iyo wasiirka arrimaha dibadda Carl Bildt, taas oo la xiriirtey mar wasiirku la kulmey safiirkii xilligaas dawaladda Mareeykanka u fadhiyey dalka Ciraaq Ryan Crocker, uuna kala xaajooday dan-jiraha arrimmo ay ka mid yihiin shuruudaha adag ee dalkaani ku qaabili karo qaxootiga ciraaqiyiinta ah ee aannu dalkaani dooneeyn in uu deggenaasho siiyo.

Tobias Billström ayaa cadeeyey in uu jiro kulankaas uu la yeeshey safiirka Mareeykanka u fadhiya dalka Ciraaq Ryan Crocker, waxuuse hoosta ka xariiqey in wasiirku uusan kala hadlin wax uusan ka sheegin gudaha dalkaan Iswiidhan.

Mar uu wasiirka socdaalku Tobias Billström ka hadlayey war laga soo xigtay dokumenti uu soo daabacay bogga internetka ee Wikileaks, ayuu sheegay in uusan masuul ka aheeyn wixii uu safiirka dawaladda Mareeykanku qorey ,sidoo kalana wax faala ah kama bixinayo qoraalka Wikileaks ayuu yiri Tobias Billström mar uu u waramayey idaacadda wararka ee Ekot.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".