Pär Nuder,wasiirka hore ee maaliyada dalkan Sweden
Nuder till (S) ledare

saadalinta hogaamiyaha cusub xisbiga Socialdemokrat-ka

Waxaa la saadaaliyey, lagana faaloodey in Pär Nuder uu noqon karo midka talada hogaanka xisbiga Sooshal-demoqoraadi-ga kala wareegi doona Mona Sahlin.

Guddiga doorashada ayaa markii ay xisbiga (S) isugu yeeraan waxay soo hordhigi doona musharaxnimada Pär Nuder si uu u badalo Mona Sahlin .

Pär Nuder ayaa ahaa gacanta midig ee Göran Persson oo ahaa hogaamiyahii Mona Sahlin ay ka badashey hogaanka xisbiga Sooshal-demoqoraati-ga.

Hagaamiyha cusub ee qaban doona talada xisbiga ayaa loogaga fadhiyaa isbedel iyo laba kacleeyn si uu dib ugu hanto awoodda maamul ee dalka.

Per Nuder waa nin masuuliyaddaas ka dabaalan kara isla markaasna iska caabin kara fredrik Reinfeldt iyo wasiirkiisa maaliyadda Anders Borg , sidaas waxaa tiri Margareta Winberg oo ka mida ah siyaasiyiinta ruug cadaaga ah ee xisbiga (S), mar eey u warameeysey idaacadda wararka Ekot.

Pär Nuder ayaa isagu dhankiisa sheegay in uusan diyaar u aheeyn qabashada jagadaas.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".