Baarlamaanka oo xagjirnimada ka doodaya

Baarlamaanka dalkaan Iswiidhan ayaa maanta ka doodaya mintidka xagjirkaa ee aaminsan in xoog iyo gacan ka hadal la isticmalo, doodaasina waxay ka danbeeysey ka dib qaraxii ismiidaamiska ahaa ee bishii december ee la soo dhaafey ka dhacey bartamaha magaalada stockholm, xisbiga Sverige-demoqoraati-ga ayaana codsadey in baarlamaanku ka doodo muslimiinta xagjirka ah.

Xisbiyada kale ee dalkaan Iswiidhan ayaa arrintaas ka shakisan ,waxaana markii danbe la isla gartey in dooddu ku saleeysnaato dhammaan xagjirka oo dhan ,meeshana laga saaro ereyga "islaam" in lagu lifaaqo xagjirnimada.

Kooxaha xagjirka ah ee laga doodayo ayaa waxaa ka mid ah cunsuriyiinta aaminsan awoodda iyo xoogga dadyoowga midabka cad iyo waliba sidoo kale xagjirka ku talaxtagey nidaamka shuuciyadda.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".