Rugta caabudka diinta yahuuda (Sinagoog)

Xuska Maalintii Xasuuqa Yuhuudda ee Malmö

Dacwooyinka la xiriira neceeybka yuhuudda ee gobolka Skåne ayaa hoos u dhacay boqolkiiba konton sannadkii 2010 marka loo barbar-dhigo sannadkii ka horeeyay ee 2009, halka ey kor u kaceen jir-nacaybka ama faqooqnaanta loo geeysto dadka muslimiinta, sida ku cad tira-koobka ciidanka nabad-gelyada ee gobolka Skåne. Hase yeeshee middaa ayaan dhimin welwelka bulshada yuhuudda ee carrigaa ku dhaqani ka qabaan in tacadi loo geeysto.

Sannadkii tagay ee 2010 ayey dood aad u balaaran ka taagnayd dhibaatooyinka loo geeysto bulshada yuhuudda asal ahaan ka soo jeedda ee ku dhaqan gobolka Skåne, qaasatan magaalada Malmö. Iyadoona ey falalkaa nacaybka ahi laba jibaarmeen sannadkii 2009. Halka ey sannadkii 2010 hoos u dhaceen 50%, gaareena 33, halka ey horay uga ahaayeen 80.

Susanne Gosenius, ahna isku-duwaha dembiyada faqooqnaanta ee ciidanka nabad-gelyada gobolka Skåne sheegtay iney jiri karaan sababo lagu macneeyn karo hoos u dhacan ku yimid falal-dembiyeedyadan. 

- Maaha wax aan xaqiiqdii hubno. Waxaan oron karnaa in dhacdooyinka sannadkii 2009 ey ugu wacnaayeen xaflado iyo tartammo ka dhacay magaalada Malmö, tusaale ahaan bannaan-baxyadii looga soo hor-jeeday dalka Israa’iil iyo kulankii Davis Cup ee cayaartooyda qaranka teeniska ee Iswiidhen iyo Israa’iil ee lagu qabtay magaalada Malmö.

Haddii ey hoos u dhaceen falalkii faqooqnaanta ee lagula kici jiray bulshada asal ahaan yahuudda ka soo jeedda, waxaa kor u kacay falalka naceeybka ama karaha ee lagula kaco muslimiinta, iyadoona ay Susanne Gosenius sheegtay in aanay wax sabab ah middaa u hayn.

                                                                kenadid.mohamed@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista