Waa arday ama qof dhowr qof ay cidhiidhi iyo dhibaatada u geysta kaligii

Dhibaatada lasoo daristay arday

Waxaa kor u kacay dhibaatooyinka iyo cidhiidhiga lagu galiyo ardayda qaarkood iskuullada (mobbning). Waa arday ama qof dhowr qof cidhiidhi iyo dhibaato ey u geeystaan kaligii, middaasina oo labo jibaarantey sanadkii hore.

Sanadkii 2009 ayaa qiyaastii dacwadooda la diiwaan galiyey 600, meesha kii ka horeeyay 2010 ay la yimaadeen dacwooyin dhan 1.100. Taa waxaa lagu soo saarey tirakoob hor-dhac ah oo aan dhammaystirnayn oo ay soo saaridiisa ka danbaysay hayadda u xil saaran ilaalinta xaquuqda caruurta. Waxaana kala qeeyb galay u kuurgalkan joornaalka DN.

Dacwooyinkaan ka dhanka ah dhibaatooyinka iyo cidhiidhiga lagu galiyo ardayda qaarkood iskuullada (mobbning) ayaa inta badan isku geeystaan ardaydu dhexdooda, meesha ay 500 oo tiradaas ka mid ah ay dhibka u geeystaan shaqaalaha iskoolka kuwo ka mida.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".