Dhageeysiga oo la ogolaaday ka dib qaraxii ka dhacay Stockholm
FRA-lagen

Xisbiga sooshiyaaldimoqoraadiga oo ogolaaday dhageeysiga.

Go'aan ka soo baxay baarlamaanka dalkan Iswiidhan ayaa lagu ogolaaday dhageeysiga.

Xubnaha garabka midig iyo Sooshiyaaldimoqoraadiga ee guddi-hoosaadka sharciyada ee baarlamaanka ayaa si wada jira go,aan uga gaaray ogolaadayna dhageeysiga (FRA-lagen).

Dawlada ayaa hore u ogoleeyd go'aankan ah in ciidanka sirdoonka Iswiidhan (Säpo) ay dhageeysan karaan cidii ay ka shakiyaan,waxaase hada ku raacay xisbiga sooshiyaaldimoqoraadiga oo doorashadii 2010 ku galy ineey bur burina hayaan hadii ay ku guuleeystaan hogaanka.

Heshiiskaan ayeeysan ku raac saneen dhaliilana ka muujiyeen xisbiyada Vänsterpartiet-ga iyo kan doogga.

Warkaan waxaan ka soo xiganay telefishanka qaranka SVT.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".