Cabdicasiis Salaad oo halgankiisii guul ka soo hoyay.

Dhabbooyinka Gawaarida oo Wax Laga Badalay

Soomaali u halgamay siduu isbedel u sameeyn lahaa
5:41 min

Cabdicasiis Saciid waxaa uu dalka ku dhaqnaa 23 sannadood, waxaana uu deggenaa nawaaxiga xaafadaha Tensta iyo Rinkeby.
Cabdicasiis ayaa lixdii sannadood ee ugu dambeeyey ku hoowlanaa olole la xiriira sidii wax looga bedeli lahaa nidaamka waddooyinka gawaarida loo dhigto ee xaafadaha uu ku dhaqan yahay waa Rinkeby iyo Tensta.

Laga bilaabo 14-kii diseembar ee sannadkii tagay 2010 ayaa lagu soo rogay in qaar ka mid ah waddooyinka xaafadaha Rinkeby in toddobaadkii maalin laga mamnuuco garaawida si ey suurta-gal u noqoto in barafka laga xaaqo dhinacyada waddooyinka ee gawaarida la dhigto iyo sidoo kale marshabiyeediga. Qorshooyinkan cusub ayaa dhaliyay in xaafadda Tensta yeelato labaatan boos oo hor leh ee gawaarida la dhigto, xaafadda Rinkeby-na 100.

Is-bedelkan ka dambeeyay halganka uu Cabdicasiis Salaad u galay sidii dadyoowga deggan nawaaxigaa ama kuwooda booqashada ku yimaada ey gawaarida ugu heli lahaayeen goobo ey ku raseeyaan ayuu sheegay in hab ka duwan uu ka jiro xaafadaha kale ee aaney ajaaniibtuu ku badneeyn, middaasina uu tusaale u soo qaatay, isaga oo weliba sawirro ka soo qaaday waddooyinka xaafadahaa ku yaalaa in aaney ka duwaneeyn kuwa Tensta iyo Rinkeby.

Is-bedelka uu sheegay Cabdicasiis iney ka dhaceen goobaha gawaarida la dhigto ee nawaaxiga Tensta Rinkeby ayay noo xaqiijisay inay dhab tahay mar aan khadka telefoonka kula xiriirnay sarkaaladda Eva Kivinnen oo ka hoowl-gasha waaxda gaadiidka ee degmada Istockholm xaafadahaasina ka mid yihiin.

- Waxaa meesha laga saaray mamnuuciddii dhigashada gawaarida ee jididka qaarkood, islamarkaana la soo rogay in toddobaadkiiba mar waddooyinka laga banneeyo gawaaridda si barafka dhulka yaala looga nadiifiyo wadooyinka iyo marshabiyeediyahaba, sida ay sheegtay Eva Kivinnen.

                                               kenadid.mohamed@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".