Foto: Melissa Phillip

Nin Iswiidhish ah oo dalka Masar jirdil loogu geeystey

Nin Iswiidhish ah oo 22 jir ah ayaa lagu xirey dalka Masar kaas oo jirdil loo geeystey.

Ninkaas oo ku noolaa gobolka Skåne ayey usbuucii hore booliiska masaaridu ka qabteen masaajid hortiis,waxaana loo geeystey jirdil iyo in koronto lagu ciqaabey.

Waxaa kaloo ninkaas laga qaatey lacagtii iyo moobiilkii uu watey, ka dibse wuxuu ka fakadey goobtii lagu hayey .

Ninkaas ayaa hadda ku dhuumaaleeysanaya gudaha magaaladda Qaahira wuxuuna ka wardhoowrayaa caawimaad uu ka helo safaaradda Iswiidhan ay ku leedahay dalka Masar.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".