Foto: Peter Hove Olesen/Scanpix.

Rag argagixiso lagu tuhmey oo qorsheeynayey in ay dad qoorta ka jaraan

Afar nin ee Iswiidhish ah laguna tuhunsanaa in ay fal argagixisanimo ka geeysan lahaayeen dalkaan Denmark, ayaa qorsheeynayey in ay qoorta ka jaraan shaqaalaha wargeeyska maalinlaha ah ee Jyllands-Posten.

Hadafka raggaas ayaa ahaa in ay muddo labaatan daqiiqa ah ku dilaan ama ku toogtaan tirada ugu badan oo suurtagalka u noqota,sidaasna waxaa kashiftey hay'adda sirdoonka dalka Denmark oo uu ka soo xigtey wargeeys dalkaas ka soo baxa, laguna magacaabo Ekstra bladet.

Maalintii khamiista ayaa la go'aamiyey in xabsiga lagu sii hayo saddex ka mid ah raggaas argagixisanimada loo heeysto,kuwaas oo lagu hayo dalka denmark meesha ninka afraad isna maalintii isniinta Stockholm lagu go'aamiyey in xabsiga lagu sii hayo.

Wargeeyska Jyllands-Posten ayaa sanadkii 2005-tii wuxuu daabacey sawir gacmeedyo ku saabsan nabi Maxamad, falkaas oo carro xoog leh ka dhaliyey dunida muslimka.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".