Caruurta fakhriga ku nool oo siyaadey.

Caruurta la nool qoysaska fakhrigaa oo tira ahaan kor u kacdey

Caruur intii hore ka badan ayaa nolol fakhri ah ku nool sida lagu sheegey warbixin ay soo saartey hay'adda badbaadinta caruurta ee loo yaqaano Rädda Barnen.

Warbixintaan ayaa muujisey in sanadkii 2008-dii ay caruur dhan 220.000 la noolaayeen qoysas dakhligoodu aad u hooseeyo una baahan taageero dhaqaale.

Tirada caruurtaas ayaa boqolkiiba 11,5 ka ah caruurta guud ahaan ku nool dalkaan Iswiidhan, tirada caruurtaas la nool qoysaska fakhriga ahina waxay kor u keceen 0,7

Boqolkiiba marka la barbardhigo sanadkii 2007-dii.

Hay'adda badbaadinta caruurta oo loo yaqaano Rädda Barnen ayaa warsaxaafadeed ay soo saartey ku eedeeysey dalkaan Iswiidhan in uu dhayalsadey xeerka caalamka uga dagsan dhanka caruurta.

Marka ay timaado caruurta dalkaan dibadiisa ku dhalatey, labadii ilmoodba mid ka mid ah ayaa la nool waalid fakhri ah oo kaligiis ah.

Meesha ugu badan oo ay dadkaas fakhriga ahi ku nool yihiin ayaa ah xaafadda Rosengård oo ku taala magaalada Malmö halkaas oo ay boqolkiiba 61 caruurta ku nooli fakhri yihiin .

Hay'adda badbaadinta caruurtuna waxay arrintaas ku tilmaantey mid cunsurinimo ah.

Hay'adda badbaadinta caruurta "Rädda Barnen" ayaa baaritaan ku sameeysey xaaladda dhaqaale ee qoysaska caruuraha leh laga soo bilaabo sanadkii 1991-dii.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".