Booliiska oo toogtey nin hooyadiis mindi ku qaley. Foto: Tomas Oneborg / SvD / SCANPIX

Nin hooyadiis diley ka dibna ay booliisku toogteen

Booliiska magaalada Eskilstuna ayaa toogasho ku diley nin lagu tuhmey in uu hooyadiis mindi ku diley ,arrintaasina waxay dhacdey subaxnimadii talaadada.

Dadka dariskaa ayaa booliiska wacey ka dib markii dagaal ka dhacey guri ay ku nooleeyd haweeney 50 jir ahi.

Booliisku markii ay goobtaas yimaadeenna waxay la kulmeen nin 26 jir oo labada gacmood ku heeysta laba mindiyood ,waxay kaloo goobtaas ka heleen haweeney meeyd ah oo mindi lagu qaley.

Booliiska ayaa ninkaas ku amrey in uu mindiyaha iska dhigo laakiin wuu diidey in uu amarkoodaas u hogaansamo,waxayna markii danbe ku fureen rasaas ninkaas haleeshey.

Dhaawaca ninkaas oo liita ayaa isbitaalka la geeyey,wuxuuna markii danbe u geeriyoodey dhaawicii soo gaarey.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".