Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Nin caruur kufsadey oo iskuulo furtey

Publicerat tisdag 1 februari 2011 kl 12.32
Wasiirka waxbarashada Jan Björklund (FP). Foto: Claudio Bresciani/Scanpix

Nin kufsi caruureed xabsi loogu xukumey ayaa loo ogolaadey in uu magaalada Stockholm ka furto saddex dugsi sare sanadkii 2000, sidaasna waxaa sheegtey idaacadda la iska arko ee TV 4 .

Hay'adda dalkaan Iswiidhan u qaabilsan kormeerka dugsiyada ayaan ogeeyn in ninkaas maxkamadi xukun ugu ridey ka dib markii uu geeystey kufsi caruureed.

Hay'adda ayaa codsiyada loo soo gudbiyo ka eegta oo kaliya dhanka dhaqaalaha qafka dugsiyadaas furanaya si uu u hawlgaliyo dugsiyadaas.

Hay'adda kormeerka dugsiyada ayaa sheegtey in aysan sharciga ku qorneeyn in la baaro danbiyadii uu soo galey qofkii soo codsada in uu dugsi furto.

Ninkaas ayaa sii wadey in uu galo danbiyo uu caruurta ku kufsado markii uu maamulayey saddexdaas dugsi sare.

Sanadkii 2007-dii ayaa ninkaas lagu xukumey mar labaad lix sanoo xarrig ah taas oo la xiriirta danbiya kufsi oo uu ka mid yahay kufsi uu caruura u geeystey.

Wasiirka waxbarashada Jan björklund ayaa sheegey in uu sida ugu dhakhsiyaha badan u soo gudbin doono hindise sharci oo ku khasbaya in hay'adda kormeerka Iskuuladku baarto danbiyadii uu galey qofka raba in uu furto dugsi si gaar ah loo leeyahay.

Wasiirka waxbarashada Jan Björklund ayaa qiyaasey in sharcigaasi ugu horeeyn muddo hal sano gudeheed ah ku dhaqangali doono.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".