Wasiirka arrimaha dibadda dalkaan Iswiidhan Carl Bildt.

Iswiidhan oo ka hadashey isbadalada ka socda dalka Masar

Xaaladda Masar iyo muwaadiniinta iswiidhishka
3:38 min

Wasiirka arrimaha dibadda dalkaan Iswiidhan Carl Bildt ayaa sheegey in uu dhamaadey xilligii xukunka madaxweeynaha dalka Masar Xusni Mubaarak.

Wasiirka ayaa ka faaloonayey dhacdooyinka isdabajoogga ah ee ka socda dalka masar.

Dhanka kalana madaxweeynaha dalka Mareeykanka Obama ayaa sheegey in madaxweeynaha masaaridu Mubaarak uu sida ugu dhakhsaha badan isku casilo laakiin dawladda Iswiidhan ayaa dhankeeda aaminsan in xukunka la wareejiyo xilliga doorashadu ay dalka masaarida ka dhici doonto taas oo ku aadan bisha september ee soo socota.

Shirkadaha Iswiidhishkaa ayaa shaqaalahooda kala soo baxaya dalka Masar meesha dadka Iswiidhishkaa ee dagan dalka Masar ay iyaga u taalo sidii ay dalkaan Iswiidhan ku imaan lahaayeen.

Reysal wasaaraha dalkaan Iswiidhan Fredrik Reinfeldt ayaa isaguna maalintii shaley sheegey in aysan dawladda Iswiidhan u ool dalabka la xiriira iscasilaadda madaxweeynaha dalka Masaarida Xusni Mubaarak,shacabka ree masar ayeyna u taalaa ayuu yiri reeysal wasaaruhu in ay go'aamiyaan cidda iyaga u talineeysa.

Xisbiyada mucaaradka dalkaan ayaa dawladda Iswiidhan ku canbaareeyey in aysan hadalo miisaan ku fadhiya ka oran dhacdooyinka ka dhacaya dalka Masaarida.

Iswiidhan ayaa dhanka kale dalka Masar u dirtey tira booliis ah oo aan toban dhaafsiisneeyn si ay u sugaan ammaanka safaaradda dalkaan Iswiidhan ku leeyahay dalka Masar iyo shaqaalaha goobtaas ka shaqeeya.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".