Qasriga Örebro .Foto:FREDRIK PERSSON

Doorashooyinkii Degmada Örebro

Maamulka degmada Örebro ee doorashooyinka ayaa maanta oo arbaca ah kulan ka yeeshay sidii go'aan looga gaari lahaa in qaybo ka mid ah xaafadaha Örebro dib loogu celiyo doorashooyinkii dalka ka dhacay iyo in kale, inkastoona go'aankaa la filayo in dib looga ogaado.

Doorashadii dalka ka dhacday bishii septeembar ee sannadkii tagay 2010 ayey labada xisbi ee sooshiyaaldimoqoraadiga iyo Bidixdu ee Vänster ku guuleeysteen aqlabiyad ey dheeryihiin hal kursi xisbiyada garabka midig iyo kan Doogga, islamarkaana doodi ka dhalatay 17 cod oo la isku af-garan la'yahay habka loo tiriyay. Waana midda dhalisay in guddiga doorashadu ka arrinsado amuurtaa.

Isha: Hayadda wararka ee TT

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".