Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Masar oo rabshadihii ka socdey cirka isku sii shareereen

Uppdaterat torsdag 3 februari 2011 kl 13.56
Publicerat torsdag 3 februari 2011 kl 10.13
Taageerayaasha Mubarak oo dhagxaan ku tuuraya dadka ku mudaharaadaya. Foto: Lefteris Pitarakis

Hal qof ayaa ku dhintey ilaa 500 qof oo kalana wey ku dhaawacmeen barxadda lagu magacaabo " Fagaaraha Xoriyadda" oo ku taala magaalada Qaaghira,ka dib markii ay taageerayaasha madaxweeyne Mubarak weerareen dadka barxaddaas tuban oo xukunkiisa ka soo horjeeda.

Reysal wasaaraha dalkaan Iswiidhan Fredrik Reinfeldt ayaa ka walwalsan dhacdooyinkaas dalka Masar ka socda.

Xaaladda nabadgalyo ee dalka Masaarida ayaa aad uga soo dartey, walwal aad u badan ayaana haya Iswiidhashka dalkaas ku nool.

Dalka Mareeykanka ayaa maanta dalkaas ka daadgureeynaya shaqaalaha halkaas ku nool ee aan aadka muhiimka u aheeyn,laakiin iswiidhan hadda kuma fakareeyso in arrin taas la mid sameeyso.

Wasaaradda arrimaha dibadda dalkaan Iswiidhan ayaa maanta arrimahaas shir ka yeelatey laakiin waxba kama aysan badalin istaraatiijayooda,sida uu sheegtey camilla Åkesson oo wasaaradda arrimaha dhanka saxaafadda u qaabilsan.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".