Labada afhayeen ee xisbiga Doogga MP Peter Eriksson och Maria Wetterstrand. Foto: Hans Andersson/Sveriges Radio

Xisbiga Doogga iyo qaraabada la isu keeno

Ehelada la isu keeno
2:54 min

Xisbiga doogga ee Miljöparti-ga ayaa raba in la fududeeyo shuruudaha lagu xiro dadka dalkaan Iswiidhan dagan ee eheladooda dibadda looga keenayo.

Labada afhayeen ee xisbiga Doogga Peter Eriksson iyo Maria Wetterstrand ayaa maqaal ay maanta ku soo qoreen wargeeyska DN waxay kaga hadleen shuruudaha lagu xirey qoysaska la isu keeno taas oo ay tilmaameen mid kala geeyneeysa qoysas badan.

Labada afhayeen ee xisbiga Doogga ayaa sheegey in ay rabaan wada shaqeen ay dawladda ka yeeshaan dhammaan arrimaha khuseeya soogalootiga si looga hortago saameeynta xisbiga Sverigedemoqoraati-ga, waxayse si wadashaqeeyntaas loo helo xisbiyada talada dalkaan haya shuruud uga dhigeen in la baabi'yo shuruudaha adadag oo ay hay'adda socdaalku ku xirtey qoysaska kala maqan.

Afhayeenada xisbiga Doogga ayaa sheegey in ay jeclaan lahaayeen in wax weeyn laga badalo shuruudahaas qoysaska lagu xirey ,waxayna intaas ku dareen in ay gabi ahaanba shuruudahaas tirtiri lahaayeen haddii ay iyaga taladooda tahay.

Fikirkayagu waa mid cad, waana in la wanaajiyo xaaladda soo galootiga iyo kuwa sharcidarrada dalkaan Iswiidhan ku jooga ,loona ogolaado sidii ay ku heli lahaayeen xuquuq la mid ah muwaadinta dalkaan dhinacyada taageerada caafimaad iyo sidoo kale in wax laga badalo xeerarka adkeeynaya in qaraabada iyo reeraha la isu keeno, si wada-shaqeeynta xisbigayaga iyo xisbiyada dawladda hayaa guul ugu dhammaadaan.

Dalka Iswiidhanna waa in uu noqdaa mid fur-furan oo la isku xushmeeyo,ayey maqalkooda ku qoreen labada Afhayeen ee xisbiga Dooggu.

Maanta ayey mar kale kulan isugu imaan doonaan xisbiga Dooga iyo xisbiyada talada dalkaan haya.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".