Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Julian Assange oo Maxkamadda Hor Iman Doona

Uppdaterat måndag 7 februari 2011 kl 14.40
Publicerat måndag 7 februari 2011 kl 10.12

Maxkamad ku taala carriga Ingiriiska ayaa laba maalmood doodi uga furmi doontaa sidii ay go’aan uga gaari lahayd in Assange faraha loo soo geliyo dalka Iswiidhen iyo in kale, maadaama uu xeer-ilaaliye iswiidhish ah uu horay dacwad ugu soo oogay Abuuraha bogga internetka ee Wikileaks kana dalbaday in dawladda ingiriisku Assange u soo masaafuriso dalkan Iswiidhen. Hase yeeshee waxaa dib u dhici karta muddo masaafurintaa haddii la ogolaado, maadaama ey qareennada Julian Assange sheegeen in ey abiil ka qaadan doonaan go’aan noocaasiya.

Intii lagu jiray wadahaddalladii maxkamadda ee maalintii koowaad ayuu xeer-ilaaliyaha maxkamaddu   

Clare Montgomery sheegay in aannu ka helin fikirka qareennada Assange in in xeer-ilaaliyadda Marianne Ny ee dalbatay in Assange Iswiidhen gacanta loo soo geliyo ey ka dambeeyeen asbaabo qaldan.

Montgomery ayaa sidoo kale gacanta ku laaday wararka sheegaya in Assange uu dalka Iswiidhen ku sugnaa muddo, ayna suurta-gal ahayd in wareeysi lala yeesho intii aannu dalka ka bixin 27-kii septembar ee sannadkii tagay.

Xeer-ilaaliyaha ingiriiska ayaa intaa ku daray in hayadda xeer-ilaalinta ee Iswiidhen marar badan isku dayday sidii Assange ay xiriir ula sameeyn lahayd iyadoona loo marayo qareenkiisa iswiidhishka Björn Hurtig balse aan lagu guuleeysan.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".