Wiil murugeeysan. wax xiriir ah lama laha maqaaalka.

Taageerada Dhallaanka Loo Fidiyo

Ma noqon doonto wax loo baahdo in ogolaansho laga doonto labada waalidba ee aabbaha iyo hooyada ilmahaba si loogu dalbo taageero daryeel-caafimaad ee maskaxda ama hoowlo ay hayadda bulshadu ku taageereeyso dhallaanka.

Sida xaaladdu iminka tahay aaney hooyada ama aabbuhu dhallaanka keli ahaan mid xaq u lahayn in lagala tashado haddii dhallaanka loo fidinayo taageero saameeyn ku yeelan karta mustaqbalkiisa, balse sida uu sheegay wargeeyska maalinlaha ee marka la soo gaabiyo magaciisa loo yaqaano SVD mar uu soo gaaray qoraal ka soo baxay wasaaradda shuruucda iyo in lagu talo jiro mustaqbalka in loo baahdo ogolaansho waalid keliya ee aan labadaba loo baahan.

Xeerkan cusub ee lagu talo jiro ayaa wax wayn ka badali doona xaaladda dhallaanka la nool hal waalid ee masuuliyaddana ey wada leeyihiin labaduba, kolka ey ku heshiin kari waayaan baahida ilmaha, sida ay sheegtay Beatrice Ask.

- Sababta xeerkan looga dan leeyahay ayaa ah iyada oo shaqaalaha daryeelka caafimaadka iyo hayadda bulshaduba aaney wax taageero ah u fulin karin dhallaanka, haddii waalidiinta mid ka mid ahi is-hortaago.

Isha: Svd

                                                       kenadid.mohamed@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".