Bannaanbaxyo looga soo hor-jeedo Mubaarak ee magaalada Qaahira. Foto: Emilio Morenatti/Scanpix.

Xaaladda Magaalada Qaahira

Xubnaha dawladda cusub ee dalka Masar ayaa maanta kulankoodii ugu horeeyay yeelan doona, halka ay weli magaalada Qaahira ka socdaan banaan-baxyadii marayaana maalintoodii 14-aad.

Iyadoona aan wax miro ah illaa iyo hadda laga gaarin wadahaddalladii dawladda iyo qaar mucaaradka ka mid ah, halka bannaan-baxyadii ka socday beerta xoriyaddana ee magaalada Qaahira ey halkoodii ka sii socdaan.

Shuruudda dadka bannaan-baxaya ayaa ah: In madax-wayne Mubaarak uu awoodda iska wareejiyo.
Muddadii labada toddobaad ee bannaan-baxyadu ka socdeen dalka Masar ayey ku geeriyoodeen 300 oo ruux magaalada Qaahira

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".