Dhaawacyo soo gaara marka dadka curyaamada iyo waayeelka ahi ay raacayaan gaadiidka u gaarka ah.

Dhaawacyo ka dhasha gaadiidka lagu qaado curyaamada iyo waayeelka

Baabuurta lagu qaado dadka curyaamada ama waayeelka ah ayey ku dhaawacmaan toban jibbaar in ka badan dadka raaca basaska.

Baaritaan ay sameeysey jaamacadda Lund ayaa muujiyey in sanadkii kharashka ku baxa dhaawacyadaas dalka oo dhan lagu qiimeeyey ilaa 250 milyan oo karoon.

Dad u dhexeeya 300 ilaa 500 qof ayaa sanad walba ku dhaawacma safaradaas lagu qaado dadka curyaamada iyo waayeelka ah,ilaa kalabar dhaawacyadaasina waxay dhacaan inta gaarigaasi taagan yahay oo qofka la saarayo ama laga dajinayo.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".