Foto: Fernando Arias P4 Gävleborg

Booliiska Iswiidhan iyo danbiilayaasha dalkaan ku dhuumaaleeysanaya

Booliiska dalkaan Iswiidhan ayaa raba in ay kharash dheeraad ah iyo juhdi galiyeen sidii loo qaban lahaa danbiilayaal caalamka laga baadigoobayo oo ku dhuumaaleeysanaya dalkaan Iswiidhan.

Sanadkii hore ayey booliiska dalkan Iswiidhan waxay qabteen ilaa 140 qof oo ay baadigoobayeen booliiska dalal ajaanib ahi.

Bertil Olofsson oo ah madaxa waaxda booliiska qaranka dalkaan Iswiidhan u qaabilsan arrimaha dibadda ayaa sheegey in taas badalkeeda ay booliiska dalalka kale ka caawin doonaan booliiska Iswiidhan sidii loo soo qaban lahaa danbiilayaasha iswiidhishka ah ee ku dhuumaaleeysana dalkaan dibaddiisa.

Iswiidhan ayaa baadigoob ugu jirta ilaa 274 qof oo dalkaan ka galey danbiyo ay ka mid yihiin dil ,dhac ,danbiyo daroogo ,danbiyo dhaqaalaha xiriir la leh iyo waliba kuwa la xiriira kufsiga caruurta.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".