Aasaasaha Wikileaks Julian Assange . Foto: Matt Dunham/Scanpix

Nidaamka garsoorka dalkaan Iswiidhan oo la dhaliiley

Magaalada london ee carriga Ingiriiska ayaa waxaa imminka ka socota dhageeysiga maxkamad ku saabsan sidii dalkaan Iswiidhan loogu soo gacangalin lahaa aasaasihii Wikileaks Julian Assange oo dalka Iswiidhan looga eedeeyey in uu bishoo agoosto ee sanadkii hore ka geeystey danbi kufsi la xiriira.

Qareenka difaacaya Assange ayaa ku doodey in haddii ninkaas loo soo masaafuriyo dalkaan Iswiidhan uu qarka u saaran yahay in gacanta loo galiyo dalka Mareeykanka halkaas oo laga yaabo in dil lagu xukumo maadaama uu kashifey sira badan oo ay dublamaasiyadda dalka mareeykanku leedahay.

Aaladda Internet-ka ee dalalka dibadda ayaa waxaa imminka ka socda doodo la xiriira nidaamka garsoorka dalkaan Iswiidhan sida tusaale ahaan in ay siyaasiyiinta iyo ciidamada sirdoonka mareeykanku CIA u taliyaan iyo in ay tahay nidaam caddaaladeed oo musuqmaasuq ku dhisan .

Waxaa kaloo canbaareeyn xoog leh loo soo jeediyey xeer ilaaliye Marianne Ny oo aan Assange u ogolaan in ay wareeysi danbiyada loo heeysto la xiriira kula yeelato aaladda Vidyoo-ga ama gudaha safaaradda Iswiidhan ku leeyahay dalka Ingiriiska.

Canbaareeynta kalee dalkaan Iswiidhan loo soo jeediyey ayaa waxaa ka mid ah in uu dalkaani sanadkii 2001-dii u gacangaliyey Mareeykanka laba nin oo masaari ah ka dib markii ay arrintaas ka soo dalbadeen ciidanka sirdoonka mareeykanka CIA iyo dawladda mareeykanka labaduba.

Laakiin dhanka kale hay'adda caalamka ee laaluush la'aanta Transparency International ayaa dalalka Iswiidhan iyo dalka Singapore ku tilmaantey in ay kaalinta saddexaad ka galeen dalalka adduunka ugu laaluushka iyo isdabamariska yar.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".