Korontada oo ka go'an guryo ku yaala koonfurta Iswiidhan

Hawada oo xun iyo dabeeyla duufaan wata oo ka dhacaya koonfurta dalkaan Iswiidhan ayaa sababey in korontadu ka tagto qiyaastii 35 000 oo guri.

Dhibaatada ugu badan ayaa waxay soo gaartey gobolka Skåne halkaas oo geeda dhulka ka soo ruqey oo ay dabeeyshu wadato wadooyinka xireen iyo waliba isgaarsiinta korontada.

Safarka gaadiidka ayey arrintaasi saameeyn ku yeelatey waxaana la xirey buundada Öresundsbron,waxayse u badan tahay in maalinta barri ah la furo.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".