BO är kritisk till att Folktandvården inte anmäler barnmisshandel.
BRIS OO 40 JIRSATAY

Dhallaan Badan ee Telefoon Kula Xiriiray BRIS

War-bixin maanta ey soo bandhigtay hayadda dhallaanka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano BRIS lana xiriita war-bixin-sannadeedkii 2010 ayay ku caddeeyd in ey aad kor ugu kaceen tirada dhallaanka la soo xiriira hayadda. Iyadoona ey sannadkii tagay tiradaasi kor u gaartay 115 000.

Qaar badan ee ka mid ah dhallaanka la soo xiriira hayadda ugana warama caqabadaha loo geeysto ayaa codsada in aan la cayimin, sidaadaraadeedna aaney ku gelin tirakoobka dadyoowga dembiyada loo geeysto, sida uu qabo Göran Harnesek, ahna agaasimaha guud ee hayadda.

– Caqabaddu waxay tahay in dhallaanka nala soo xiriira aaney gelin diwaanka hayadda diiwaan-gelinta dembiyada, maadaama ey yihiin kuwo aan cayimeeyn, mana garan karo in cid kale tiradaa la socoto, waxayse aniga ila tahay iney jiraan dhallaan badan ee noocaasiya.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".